Wararka Dibbad:Baadari Qisiisintiisa ugu baaqay in ay cooska cunaan si ay Alle ugu dhawaadaan (xoolo wax ma dhaamaan).

0
223

Koonfur Afrika(Idale News Online)-Mid ka mid ah wadaada kaniisadaha ee wadanka Koonfur Africa oo lagu magacaabo Lesego Daniel ayaa koox ka mid ah dadka ku xiran ugu baaqay in ay cowska cunaan, si ay Alle ugu dhawaadaan.

Daniel ayaa dadkii uu wacdinayay ka dhaadhiciyay in hadii cowska la cuno si aad ah loogu dhawaanayo Alle, sida uu isaga aaminsanyahay.

Baadarigan oo arintan ka sameeyay waqooyiga magaalada caasimada ah ee Pretoria, ayaa sida la sheegay u bilaabay jameecadiisa in uu cowska cuno.

Warbaahinta gudaha ayaa soo tabisay in dadkii ku jiray Kaniisada uu u sheegay in ay awooda Rabbi ku socdaan cid ka celin kartana aysan jirin.

Durba waxaa soo baxay eedeymo loo jeedinayo wadaadkaasi oo ka imaanaya shaqaalaha caafimaadka, hase ahaatee waxaa difaacay dadkii amarka ka qaatay oo fikradiisa aad u soo dhaweeyay.

Wadaadka kaniisada ee amarkaasi bixiyay ayaa ku andocooday in dadka ay cuni karaan wax kasta oo ay ku dhargayaan, wax dhib ahna uusan kasoo gaari karin.

Arintani ayaa noqotay mid la yaab leh oo ay maalmahan si aad ah u hadal hayaan warbaahinta caalamka.

Bob

Idale News Online.