Warar Sheegaya in Maanta Lagu Dhawaaqayo R/wasaaraha Cusub oo dadka reer Muqdisho ay si aad ah u hadalhayaan

0
237

Dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Mudisho ayaa saaka ku waabariistay jawi ku aadan hadalheyn aadan u xoogan oo tibaaxaya in maanta Madaxweyna Xasan Sheikh Maxamuud ku dhawaaqi doono R/wasaaraha cusub ay yeelan doonto Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Goobaha la isugu yimaado oo dadweynaha reer Muqdisho subixii ku qaxweeyaan ayaa dadku waxa ay si aad ah u hadalheeyaan isla markaana ay carabka ku adkeenayeen in Maanta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay yeelan doonto R/wasaare cusub maadaama dadka reer Muqdisho ay si aad ah uga dhursugayeen Madaxweynaha Soomaaliya inuu sida ugu macquulsan u soo magacaawo R/wasaare cusub oo wax ka badala xaaladaha murugsan ee haatan ka jira dalka Soomaaiya.

Hadalheynta ugu xoogan ayaa ku saleysan warar iyo warbixino hoose oo saacadihii ugu dambeeyay laga helayey xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya oo ku aadan in Madaxweynuhu oo isla maanta uu soo magaaci doono R/wasaare cusub oo ay yeelato xukuumadda Soomaaliya, wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qofku ugu horeeya ee jagadaasi loo magacaabi doono uu yahay Saacid Garaad Faarax, oo ah NGOst ganacsade ah,  oo ka ganacsada dalka kenyaisla markaasna ah ninka qaba Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi oo katirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,.

Ninka ugu dhow in jagada R/wasaarinimo loo magacaabo ee Saaciid Garaad oo reer ahaan kasoo Jeeda Beesha Daarood  gaar ahaan Mareexaan ayaa la sheegay in ay  qaraabo dhaw yihiin Maxamed C/laahi Farmaajo R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Musharaxan ugu cad cad ee u taagan jagada R/Wasaare Mr. Saacid Garaad ayaa la tilmaamayaa in uu katirsan yahay Xisbiga hada haya Talada Dalka Soomaaliya PDP uuna Hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .