Warar dheeraad ah oo ka soo baxaaya dagaalo culus oo ka dhacay Magaalada Garbahaarey

0
197

 

ciidan

Al Shabaab ayaa waxay kordhisay weerarada ay ka geysaneyso Magaalooyinka Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, iyadoo dagaaladaan uu ku daadinaayo dhiig hor leh.

Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay xalay weeraro qorsheysan ay ku qaadeen Magaalada Garbahaarey, balse waxaa iska caabin xoog leh ugala hor yimid Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa waxay kahor taggeen Xoogagii Shabaab, waxayna u diideen inay gudaha u soo galaan Magaalada Garbahaarey.

Labada dhinac ayaa wuxuu dagaalo culus uu ku dhex maray dhinaca Koonfur Bari ee Magaalada, waxayna dagaaladu saameyn weyn ku yeesheen shacabka ku dhaqan Magaalada Garbahaarey.

Ciidamada Dowladda Itoobiya oo ku sugan dhinaca Koonfur Galbeed ee Magaalada Garbahaarey, ayaan iyagu ka qeyb qaadan dagaaladii xalay ka dhacay dhinaca Koonfur Bari ee Garbahaarey.

Ilaa shan askari oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dagaaladaan ku dhinteen, halka ilaa 7 kalana ay ka soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.

Idale News Muqdisho