War murtiyeed ka soo baxay IGAD oo ku saabsan Maamul U Sameynta Jubooyinka & Gedo

0
221

Sidii aan horay u shaacinay waxaa magaalada Addis Ababa ku kulmay dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ka arinsnayay arimaha xasilinta iyo maamul usameynta gobolada badhtamaha iyo koonfurta Somalia,gaar ahaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Khilaafkii ka abuurmay arimaha maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa Dowlada Somalia ayaa codsatay inay xubno kusoo darsato gudiga wadajirka ah ee IGAD si ay goobjoog u ahaato ulana socoto dhaqdhaqaaqa IGAD.Gudigan waxaa horay xubno uga ahaa Dowladaha Kenya iyo Ethiopia(IGAD JOINT COMMITTEE) .Codsigii Dowlada Somalia waa laga aqbalay waxaana lagu ansixiyay shirkii Addis Ababa.Xubnahan Dowlada Somalia u matalaya gudiga wadajirka ah ee IGAD ayaa ka kooban 4 xubnood oo kasoo jeeda Beelaha dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo.Laga soo bilaabo shirkan gudiga wadajirka ee IGAD wuxuu ka kooban yahay 3 wadan oo kala ah Kenya, Ethiopia iyo Somalia.

Kulankan oo aad ugu duwanaa kulamadii hore ayaa lagu kala saxiixday heshiisyo isafgarad oo ka turjumaya qaabkii loo wajihi lahaa qorshaha IGAD ee xasilinta iyo maamul usameynta gobolada badhtamaha iyo koonfurta Somalia.Qodobada uu ka kooban yahay qorshahani waa 5 qodob oo kala ah:-

1) Ka shaqeynta iyo xoojinta arimaha dib uheshiinta dhanka siyaasada
2)Dhisida maamulada heer deegaan
3)Abuurida awood amni oo iskudhaf ah ilaa iyo hee qaran
4)Abuurida sareynta sharciga iyo kala dambeynta
5) Kaalmo siinta bulshooyinka kaalmada ubaahan

Halkaan ka daalaco nuqulka rasmiga ee war murtiyeedka oo af Ingiriisi ah: MoU Between IGAD Joint Committee

Idale News Muqdisho.