War Degdeg: Wada hadalkii Madaxweyne Xasan iyo Wafdigii Jubaland oo Is fahan laga gaarey

0
187

Warar goor dhaweed an heleno ayaa noo xaqiijinaya in is fahan uu ku dhamaadey wada-hadalladii u dhaxeeyey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.
breakingIdaleNews
Illo lugu kol soonan karo ayaa shabakada Idale News Online u xaqiijiyey in wada-hadalladii ay guul ku dhamaaden isla markana la gaarey is afgarad buuxa oo labada dhinac ah.

Sida la xaqiijinayo dawladda federaalka qodobada ay aqbashay waxaa ugu weyn aqoonsiga Jubbaland oo ah dawlad gobolleed ka kooban saddex gobol, kuwaasi oo sida la sheegayo dawladda federaalku haatan aqbashaay in ay aqoonsado.
Arrintaan ayaa timid kadib markii labada dhinac ay isku sameeyen isku-tanaasulid ku saabsan arrimihii lagu muransanaa.
Aqoonsiga Jubbaland ee ay dowladda faderaalka Soomaaliya aqoon satey ayaa yimid kadib markii goor dhawed ay kulan wada qaaten madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyo waftigii lasocdey ee wada-hadallada qeybta ka ahaa ayaa dib ugu ambabaaxay magaaladda Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland iyo qeyb kamid waftiga ayaa iyaguna aadaya magaaladda Nairobi,halka madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Fartaag ay bari aadi doonan magaaladda Jigjiga ee xarunta dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya.