Walaac Hor Leh Oo Ka Taagan Doorashada Soomaaliya 2016-ka

0
392

Muqdisho (INO)-Xildhibaanada BFS ayaa wali kalsooni darro ka muujinaaya doorashada dalka oo ay madaxtooyada Somalia sheegtay in wakhtigeeda aysan dhaafi doonin.

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa mar kale cadeeyay in dalka uusan ka dhici doonin wax doorasho ah, waxa uuna sheegay in taasi ay daliil u tahay diyaar garowga doorashada oo aan wali muuqan.

Xildhibaanka , ayaa sheegay in suuragal ay tahay in doorashada aysan wakhtigeeda ku dhicin, waxa uuna tilmaamay in xiliga doorashada ay naga xigto keliya maalmo tirsama.

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh ayaa sheegay inaan wali ladajin qorshihii doorashada waqtigana xiligan dhamaadyahay.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha dalka uu dhowr jeer sameeyay ballanqaadyo, hadana aysan jirin wax ka hirgalay ballanqaadyadaasi, waxa uuna mas’uuliya daridaasi dusha ka saaray Madaxweynaha dalka oo uu sheegay inuusan xil iska saarin.

Cabdi Raxmaan Xoosh, ayaa cod dheer ku sheegay in doorashadii ay u muuqato mid dib u dhaceysa maadaama aan la hirgelin qorshihii doorashada waqtigiina dhamaad ku dhawyahay.

Madaxtooyada dalka ayuu ugu baaqay inay daacad u noqoto dalka iyo dadka islamarkaana ka dhabeyso ballantii ay qaaday.

Ugu dambeyntii Dhanka kale, Madaxweynaha dalka ayuu dusha ka saaray mas’uuliyada wixii ka dhaca dalka, waa haddii uusan qaban doorashada.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.