Gobolka Gedo ee dhaca Konfur Galbeed Somalia ayaa waxaa dhawaan soo garay Wafdi ka socda Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo .
Wafdigaan ayaa inta uu ku sugnaa Gobolka Waxaa uu boqday Dagmoyinka Luuq, Doolow iyo Balad Xaawo halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay Gudomiyeyaasha Dagmoyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Dagmoyinkaas.
Wafdigaan ayaa waxaa uu qaybaha kala duwan ee Bulshada 3daas Dagmo kala hadlay Arimaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana Dhismaha Maamulkaan soo dhaweyay Maamulada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dagmoyinkaas.
Waxaa sido kale Wafdigaan ay bilaaben Ururinta Ergadi Gobolka Gedo uga qayb gali lahayd Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana ila iyo hada la diyaariyay 100/70 Ergadi ka qayb gali lahayd Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Wafdigaan ayaa waxaa uu maalmaha nagu soo adan ku wajahan yahay Magaalada Garbahareey halkaas oo ay ku sugan yihiin Masuliyin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo waxaana lagu wada in halkaasi u ka dhaco kulan muhiim.
Dhanka kale Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa la soo shegay in Maamulka Dagmadaasi u diyaariyay Ergoyinki Dagmadaaasi u matali Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaa kaliyah ee ay sugayaana ay tahay gadiidki qadi laha Dagmoyinka kale ee diyaarshay Ergadi Shirka u matali lahayd ayaa waxaa ka mid ah Dagmoyinka Balad Xaawo,Luuq iyo Doloow waxaa kale oo jirta Ergoyin si duumasha ah uga yimid Dagmoyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo wali ku jira gacanta Kooxda Al-Shabaab.
Isku soo wada duubo Shacabka Gobolka Gedo ayaa waxaa ka war dhowrayaan kulanka muhiim ah ee Magaalada Garbaharey ku dhexmari doona Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo ee ku kala aragtida duwan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo inkasta oo shacabka Gobolka ay ka niyad jabeen hadal uu xalay BBC da siyay Maxamed Cabdi Kaliil kaas oo si isku mid ah ay uga careysiiyay Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee ku sugan Gobolka iyo Shacabka Gobolka ee u hanweyna Dhismaha Jubbaland.
Idale News Muqdisho