Wafdi Wasiiro ah oo uu la socdo Gudoomiyihii hore Gobolka Baay oo maanta gaaray Baydhabo

0
233

Wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo wafdigan uu wehliyo Gudoomiyihii hore Gobolka Baay C/fataax Geesey, kaasoo ku gacan seyray xil ka qaadis bishii hore lagu sameeyay.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa waxaa xubno ka ah Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Saraakiil, waxaana haatan kulamo ku leeyihiin Madaxtooyada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay socoto qaban qaabo ku aadan munaasabad xil wareejin ah oo ay xilalka ku kala wareegayaan Gudoomiyihii hore C/fataax Geesey iyo Gudoomiyaha KMG ee Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow, oo dhowaan wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari lagu magacaabay.

Gudoomiyihii hore Gobolka Baay C/fataax Geesey oo ku gacan seyray xil ka qaadista ayaa kadib loo soo kaxeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in wada hadalo kadib lagu qanciyay inuu xilka wareejiyo.

Kulamo ammaanka looga hadlayo oo ku aadan sidii la isu waafajin lahaa maamulka cusub iyo maamulkii hore ayna uga shaqeyn lahaayeen ammaanka ayaa ka socda Madaxtooyada, waxaana shirka ka qeyb qaadanaya saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo AMISOM.

Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa horay u sheegtay in maamul KMG ah ay u sameyneyso gobolada iyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab, waxaana maamuladan la filayaa inay muddo 6-bilood shaqeeyaan, si ay ugu gogol xaaraan maamul dadka deegaanka ay soo doortaan.

Idale News Muqdisho