Wafdi uu Hoggaaminaayo Raisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo maanta la filaayo inay Muqdisho soo gaaran

0
239

Raisul wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag iyo wasiirka horumarinta ee dalkaas Cevdet Yilmaz ayaa lagu wadaa inay Maanta ka soo dagaan Garoonka Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho

Socdaalka Wafdiga ayaa noqonaaya Mid ay ku koontoroola Xarumaha Dowladda Turkiga sida Hay’addaha iyo Goobaha Caafimaadka waxa uuna sheegay Mr Bekir Bozdag in uu booqan doono Saldhigyada Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM

Sidoo kale Socdaalka Raisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa waxaa ku wehlinaayo Wasiirka horumarinta ee dalkaasi Cevdet Yilmaz, isaga oona la filaayo inuu indha indheyn doono Xarumaha Muhiimka ah ee Xukuumadda islamarkaana Kulamo la qaadan doono Masuuliyiinta Xukuumadda Somalia

Si kastaba ha ahaatee Booqashada Wafdiga ee la filaayo inay dhawaan soo gaaran Magaaladda Muqdisho ayaa ah mid bar-bar socda Booqashooyin Mudooyinkaani ay Magaaladda Muqdisho ku imaanayen Madax ka socta Caalamka kuwaasoo qaar kood dhaqaale ugu deeqay Xukuumadda Somalia si loo sarakiciyo Howlaha Xukuumadda ay kawada Gudaha Dalka.

Idale News Muqdisho