Baydhabo(INO)-Guddoomiyaha gobalka Bay C/rashiid C/laahi LFC ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkaasi ka tirsan ayaa maanta socdaal ku tegay degmada Qansax dheere, halkaasi oo ay ugu kuur galayaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee degmada.
Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Bay oo la hadlay Warbaahinta Idale News Online ayaa tilmaamay inay kulamo la qaateen odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada, maadaama ay ka midtahay goobihii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay kala hadlayaan sidii ay ula shaqeyn lahaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.
“Socdaalkeena waxa uu ku qotomaa in aan kulamo la qaadano qeybaha bulshada, si dib loogu soo celiyo adeegyada bulshada, maadaama ay magaalada ay ahayd meel go’doon ku jirtay, waxaana geeynayay daawooyin nuucyo kala duwan leh, si ay u helaan adeegyo caafimaad” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Guddoomiyaha gobolka Bay ayaa xusay inay joogteeynayaan kormeerka ay ku tegayaan deegaannada laga sifeeyay maleeshiyada Al-Shabaab, si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab.
Shalay ayay ahayd markii Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ee dalka Shariif Xasan Sheekh Aadna ay kormeer ku tegeen degmada Bardaale, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada, isagoo balan qaaday in dib u dhis lagu sameyn doono xarumaha aas aasiga u ah adeegyada bulshada.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo