Xukuumadda David Cameron ee Dalkaasi Britain ayaa mudooyinkaani waday ka qeyb-qaadashada Soo celinta Amaanka Dalka Somalia waxaana iminka ka soo baxday Xafiiska David Cameron Qoraal ay xukuumadiisu ku dooneyso in Somalia ay u dirto Wafdi Heer Caalami ah
Wafdiga Britain ee la filaayo in loo diro Somalia ayaa waxa ay ka kala socdaan Wasaaradda arimaha Dibbadda,Hay’addaha Samafalka Britain, waaxda socdaalka Jinsiyadaha iyo Masuuliyiin sar sare oo iyaguna socdaal ku tagi doona Xarumaha Ciidamadda Somalia iyo kuwa AMISOM
Socdaalka Wafdiga Britain ayaa ahaan doona mid albaabada u furaayo Soo celinta Xiriirkii ka dhexeeyay Somalia iyo Britain waxa uuna Socdaalkaasi bar-bar socda, socdaal Dhanaan Masuul ka socday Koongariska Mareykanka oo laba maalin kahor Socdaal ku tagay Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee Wafdiga heerka Caalamiga ah ee la filaayo inay aadan Muqdisho ayaa waxa uu safarkooda ahaan doona Todobaadka soo socda, walow aan Qoraalka lagu shaacin xiliga wafdiga balse waxaa lagu xusay Qoraalka in Todobaadka soo socda si lama filaan ah ay ku tagi doonan Somalia.
Idale News Muqdisho