Wada hadaladii Kismaayo oo guuldareystay iyo Ra’iisul Wasaaraha oo maanta dib ugu soo noqonaya Muqdisho

0
218

Wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa guuldareystay, kadib markii la isku mari waayay qodobo dastuuri ah oo dhinac walba ku adkeystay in looga dambeeyo dhismaha maamulka Jubooyinka.

Labada dhinac ayaa 5-tii maalmood ee u dambeeyay wada hadalo ku lahaa magaalada Kismaayo, kaasoo marba marxalad galayay, waxaana labada dhinac ay u magacaabeen gudiyo farsamo, kaasoo sii adkeeyay wada hadalada markii shuruudo adag ay soo hor dhigeen wada hadalada.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay ka sheegay magaalada Kismaayo in qodobo dastuuro dartood ay wada hadaladii noqdeen kuwo la isku mari waayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in marka hore looga dambeeyay qaabka iyo sida loo dhisayo maamulka Jubooyinka, halka Maamulka KMG ee uu hogaaminayo Axmed Madoobe ay ku adkeysteen in dowladda ay shirka kaliya taageerto, oo aanay faraha la gelin masiirka dadka deegaanada jubooyinka.

IMG_5138 (2)

Qodobka 49-aad ee dastuurka ayaa la sheegay inay labada dhinac ay ku heshiin waayeen, wuxuuna qodobka ka hadlayaa tirada iyo xuduudaha dowlad goboleedyada.

Sidoo kale arrimaha ugu weyn ee caqabadaha ku keenay wada hadalada ayaa ka mid ahaa maamulida daqliga ka soo gala Air Porka iyo garoonka oo dowladda sheegtay inay maamuleyso.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa la filayaa in maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii wax natiijo ah ay ka soo bixi waayeen wada hadalada, inkastoo aan la ogeyn in wafdigii Wasiirada ahaa inay ka harayaan iyo in kale.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka KMG ee Kismaayo, iyadoo dowladda Soomaaliya ay quus ka muujineyso halka ay ku sii socdaan wada hadalada, maadaama ay cadeysay in tanaasul fara badan ay sameeyeen, balse qodobo dastuuri ah oo aan laga tanaasuli karin ay jiraan.

Idale News Mogadishu