Waa Sidee Rajada soo laabashada Madaxweyne Xasan Sheekh?

0
186

Muqdisho(INO)- Rajada laga qabo in Xasan Sheekh Maxamuud mar kale uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u kordheysa kadib markii la ogaaday inuu helay taageero badan.

Kooxda Damu-jadiid ayaa ku kalsoon iney sanadkan noqon doonaan madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu cad cad yahay ilaa haatan musharaxiinta taagan.

Awooda Damu-jadiid ee Barlamaanka labada Aqal Shabakada Wararka IdaleNews.com oo soo xiganeysa xubno katirsan Damu-jadiid ayaa xaqiijineysa in ku dhawaad 93 mudane oo katirsan aqalka hoose ay taageersan yihiin Xasan Sh. ayna codkooda siin doonaan.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageero dhan wax ka badna 30 xubnood ka haysta aqalka sare kuwaas oo dhamaantood ah Damu-jadiid.

Xogta aan heleyno ayaa intaas ku daraya in wadar ahaan xubnaha Damu-jadiid ee ku jira labada aqal ay gaarayaan ilaa 120 xubnoon taas oo codka ubadin karta inuu mar kale ku guuleysto.

Lacag ayuu bixin doonaa si uu uhelo 30 Xildhibaan oo kale Madaxweynaha soo socda ayaa qasab ay tahay inuu bixiyo lacag malaayiin ah si uu uhelo codka xildhibaanada Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa uxaqiijiyay in Xasan Sheekh Maxaamed uu lacag ku bixin doonto ku dhawaad 30 cod oo labada aqal ee barlamaanka ah si ay codadka ay haystaan oo ah 123 uga dhigaan 150 cod.

Laakiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu ka wal walsan yahay Wal walka ugu weyn ee haysta musharax Xasan Sh Maxamuud ayaa ah dhigiisa Sh Shariif Sh Axmed oo soo noqdya madaxweyne.

Xubnaha Damu-jadiid ayaana xili hore ka agdhawaa Sheekh Shariif, taas oo Xasan Sh Maxamuud ku abuurtay wal wal ah in codkooda ay dhankiisa uweeciyaan.

Sidoo kale xubnaha Damu-jadiid ee aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay in hadalkii Sh Shariif ee ahaa lacagta Bixi codkana anaa iska leh ay dhab noqon karto.

Si kastaba, Waxaa haatan Damu-jadiid ay wadaan kulamadii ugu danbeeyay ee ay ugu diyaar garoobayaan doorashada soo socota, waxaana ay diyaarinayaan lacagihii ay ku bixin lahaayeen codadka ay ubaahan yihiin.

Idale News Online, Muqdisho