Waa Kuma Musharaxa Berito la filaayo inuu Madaxweynuhu magacaabo

0
255

Gelinkii dambe ee maanta  ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gabagabeeyey la tashigii uu la yeelanaayey bulshada qeybaheeda kala duwan, xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya iyo ganacsatada ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa.

Madaxweynaha oo su’aalo isku mid ah weydiinaayey dhamaan dhinacyadii kala duwnaa ee uu la kulmay, sidoo kalena la yeeshey xog-wareysi iyo screening isku mid ah dhamaan musharaxiintii kala duwanaa ee soo gudbiyey codsiga jagada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ee laga dhowraayo in saacadaha soo socda Madaxweynuhu magacaabo.

Madaxweyne Xasan ayaa talooyinkii ugu badanaa ee loo soo jeediyey ay ahaayeen in uu dalka Somalia u soo xulo shaqsi leh karti, aqoon iyo waayo aragnimo dalka gudahiisa ah, isla markaasna soo celin kara isku duubnidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed, kobcinna kara dhaqaalaha dalka waqti gaaban ee xukuumadiisu jirto.

Shaqsiga qarsoon ee laabta madaxweynaha ka guuxaaya aadna ula socda 2dii cisho ee ugu horeysey markii madaxweynaha la doortey ayaa ah Saacid Faraax Garaad, oo ka soo jeeda beesha Sade, wax badan ku sugnaa Somalia si la mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Saacid Faarax Garaad ayaa waxaa uu waxbarashadii ku soo qaadey dalka gudahiisa gaar ahaan Kuliyada Lafoole, waxuuna markii dambe noqdey ganacsade inta badan ka shaqeynaayey gudaha dalka gaar ahaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.  Waxaana  u dhaxda xildhibaanad dalka gudahiisa iyo dibadiisa aad looga yaqaano Caasha Xaaji Cilmi oo ah khabiirad iyo rug cadaa siyaasadeed oo heerkeeda aqooneed aad u sareeyo soona qabatey xilal kala duwan tan iyo dowladii Carta.  

Sidoo kale, Xaaska shaqsiga la filaayo inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sanadkii 2008da  la gudoonsiiyey abaal marin caalami ah (Nobel Prize) oo uu bixiyo urur uu Maamulo Madaxweynihii hore ee Mareykanka ee Bill Clinton, taasoo ay ku kasbatey maamul wanaag iyo Geesinimo ay ka muujisay sida ay ugu ololeyso Arimaha Nabada Geeska Africa. iyadoo horey 3 jeer oo kale abaal marintaas ka kala heshay wadamada India, USA iyo Germany.

Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in Saacid Faarax Gaaraad ay aad isugu dhow yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xilka ka degaaya ee Abdiweli Cali Gaas, isla markaasna si aad ah ugu ololeynaayo Saacid haddii  fursadaasi isaga seegto ama aysan u suurtogalin.

Ugu dambeyntii maalinta berito ama ugu dambeyn Arbacada nagu soo aadan ayaa la filayaa in Madaxweynuhu magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Cusub, kaasoo isaga looga fadhiyo inuu soo magacaabo dowlada sal balaaran oo ay beelaha Soomaaliyeed dhex muuqdaan, taasoo aad uga duwan xukuumadihii hore ee kooxaha dagaal oogayaasha hubka sida ay ka dhex muuqan jireen.

Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com