Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa beeniyay in wiil 16-sano jir ah uu u magacaabay Guddoomiye kuxigeenka maamulka deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiir Caadle ayaa sheegay in cid walba ay ogtahay in wiil 16 jir ah aanay mas’uuliyad u dhiibeysa aanay jirin, arrintaas ay tahay mid aan xaqiiq aheyn.
“Cid kasta og in canug 16 sano jir ah in aanay cid mas’uuliyad u dhiibeysa aanay jirin, arrintaas xaqiiq ma ahan, hadii ay jiri laheyd dhalinyarada in aan shaqo gelin ammaan ayay noo ahaan laheyd”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Waxaa uu sheegay inay macquul tahay in magaca qofka loo magacaabay xilkaas iyo magaca wiilka inay isku mid noqdaan, isagoo xusay in qofka ay xilka u magacaabeen uu yahay qof weyn.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaalida hada jirta ay isku heystaan xilalka, isla markaana qof walba uu xil doonayo, isla markaana wax caqli gal aanay aheyn in wiil 16-sano jir ah ay u magacaabaan xil
“Anaga qof kale oo weyn ayaa u magacaabnay xilka ee canug 16-sano jir ah oo Iskuul dhiganaya xil uma dhiibin, Soomaalida hada jirta waa dad xil isku wada heysta oo nin walba uu dhahayo aniga hala ii dhiibo, marka canug 16-sano jir ah inaan xil u dhiibno wax caqliga galayo ma ahan”ayuu yiri.
Feysal C/llaahi Cumar oo dhigta Fasalka afaraad ee Dugsiga Sare ayaa dhowaan sheegay inuu isla casilay xil uu Maamulka Hirshabeelle u magacaabay oo ah Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada Hirshabeelle, waxaana ay noqotay arrin aad looga hadal hayay magaalada Jowhar.