Wararka laga helayo Xarrunta Madaxtooyadda Somalia ayaa sheegaya in Xilligaani ay Villa Somalia buuqsan tahay iyadoona ay ku qul-qulayaan Mas’uuliyiin isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaan.
Wararka laga helayo Madaxtooyadda ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu gowrdhow isugu yeeray Tiro Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.
Ujeedka uu Madaxweynaha isugu yeeray Xubnahaasi ayaan la ogeyn wallow wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in Isfahan’waa uu ka taagan yahay sida Dowladda Somalia ay ka yeeli laheyd Arrimaha Jubbooyinka iyo Buuqa iminka uu wado Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo weliba Shirka London oo aan weli loo magacaawin Mas’uuliyiinta uga qeybgali laheyd Dowladda markii laga reebo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia.
Wararka ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in Madaxweynaha ilaa iyo caawa laga sugayo inuu wax ka dhaho Arrimaha ka jira Puntlan taasoo ay Xubno ka tirsan Wasiiradda iyo Golaha Baarlamaanka ku sheegen inay sumcada uga dhaceyso Dowladda Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, waxan si rasmi ah loo garaneynin waxa uu Madaxweynaha kala hadlayo Mas’uuliyiinta uu dhawaan isugu yeeray waxaana la filayaa in dhawaan ay war cad ka soo baxaan.
Idale News Muqdisho