Video Xog hadda nasoo gaartay:Xaalada deeganadii lagu dagaalamay ee Gobolka Bakool.

0
184

Xog hadda nasoo gaartay:Xaalada deeganadii lagu dagaalamay ee Gobolka Bakool. Maamulka Koonfur galbeeed ayaa markii ugu horeysay si rasmi uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Abal ee u dhaxeeyey Sh.muqtaar abuu mansuur iyo kooxda alshabaab. kusimaha madaxweynaha maamulka k/galbeed ahna wasiirka beeraha mudane Maxamed Xasan faqi ayaa sheeegay in Koonfur Galbeed gurmad ay u dirtay Sh.Abuu Mansuur. Mudane Fiqi, ayaa xaqiijiyay in Koonfur Galbeed aysan difaaceynin oo kaliya Sh.Abuu

Mansuur balse ay masuuliyad dastuuri ah ka saaran tahay nolosha dadka degaanka iyo Xoolahoodaba. “Dhimashada inta aan ognahay waxay gaareysaa 25, dhanka Sh.Abuu Mansuur gaari in laga gubay waa xaqiijinaynaa, Khasaarahuna intaasi wuu ka sii badnaan karaa.” ayuu yiri kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed isagoo ka hadlayey khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Si kastaba ha ahaatee Dagaalkii shalay

degaankaasi ka dhacay oo ahaa mid faraha looga gubtay ayaa wararkii ugu danbeeyey waxay xaqiijinayaan in labadii ciidan ay isku hor-fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay iyagoo gurmad kala gedisan ay koox waliba uu soo gaarayo.