Ururka Dhalinyarada SYL II oo maanta dufcadii 3aad u soo xiray waxbarasho Xirfado shaqo Abuur (Sawirro)

0
236

Ururka Dhalinyarada ee SYL II ayaa maanta Xaflad qalin jebin ah u sameeyay ilaa 150-arday oo ahaa dufcadii 3aad ee ka qalin jebisa Machadka SYL II ee xirfadaha shaqo abuurka, kaasoo ahaa mid si lacag la’aan ah wax loogu barayay.

Xaflada qalin jebinta oo ka dhacday Xarunta Dhexe ee Ururka SYL II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Howl wadeenada Ururka, Waalidiin, marti sharaf iyo Ardaydii ka qalin jebisay qeybaha kala duwan ee Machadka Farsamada gacanta sida Harqaanka, Makaanikada iyo Faryaamo, Sida ganacsiga loo abuuro iyo horumarinta bulshada.

Mid ka mid ah Howl wadeenada Ururka Dhalinyarada ee SYL II ayaa ku amaanay Ardayda qalin jebisay sida ay ugu dhabar adeegeen mudadii ay wax baranayeen, isagoo ugu baaqay in dhalinyarada ay ugu faa’ideeyaan bulshada waxyaabihii ay barteen.

Sidoo kale qaar ka mid ah Ardaydii qalin jebisay ayaa waxay sheegeen inay ka faa’ideen waxyaabo badan, oo aan la soo koobi karin, iyagoo tilmaamay in shalay iyo maanta ay isugu mid aheyn, ayna maanta bulshada wax la qabsan karaan.

Ardayda ka mid aheyd kuwa maanta qalin jebiyay ee shahaadada la siiyay ayaa sheegtay in SYL II ay u aheyd toosh u iftiimisay waxbarashada iyo sida ay bulshada ula noolaan karaan, isla markaana ay u faa’ideysay in si lacag la’aan ah ay ku bartaan waxbarasho xirfado shaqo ay ku abuurtaan.

Xoghayaha naadiga K/cagta ee Elman Anas Cali Maxamuud oo ka mid ahaa marti sharafka lagu casuumay Xaflada qalin jebinta ayaa sheegay in SYL II ay dhalinyarada u qabteen waxyaabo badan oo baal dahab ah galay, isagoo xusay in dhalinyarada ay ka soo saareen dhanka jahliga oo ay dhanka aqoonta u soo weeciyeen, taasoo buu yiri inay bulshada marqaati ka tahay.

Xasan Yaxye Cusmaan oo ku hadlayay magaca Waalidiinta ayaa ugu baaqay dhalinyarada dhameysatay waxbarashada inay bulshada ugu faa’ideeyaan wixii ay barteen, waxaana uu uga mahad celiyay SYL II in maanta ay soo saareen dhalinyaro bulshada wax u qabato, maadaama ay heleen xirfado shaqo ay ku abuurtaan.

Ustaad Barre Bangaladesh oo kelmado aad muhiim ah ka jeediyay xaflada qalin jebinta ayaa sheegay in waxyaabaha muhiimka ay barteen dhalinyarada ay ahaayeen waxbarasho dadban iyo mid toos ah, isagoo xusay in maanta dhalinyarada mooraalkooda wanaagsan yahay, dadkana ay ku dhex noolaan karaan, waxaana uu ugu baaqay inay bulshada u adeegaan, isagoo gaba gabadii ku soo xiray Maanso aad iyo aad u qiimo badan.

Intii ay socotay Xaflada ayaa waxaa kooxda Rajo Band ee naadiga SYL II ay ku soo bandhigeen suugaan iyo ruwaayad halku dhigeedu ahaa Abaal, taasoo ka hadlaysay faa’idada waxbarashada iyo aqoon.

Ugu dambeyn ayaa Maamulka iyo macalimiinta waxaa uu Abaal marin gudoonsiiyay 5-arday oo kaalmaha koowaad ka galay shanta maado ee ay baranayeen, waxaana ay heleen shahaadooyin iyo abaal marin gaar ah, waxaana shanta arday saddex ka mid ah ay ahaayeen Gabdho, waxaana dhamaan 150-arday ay ka sinaayeen gudoonsiinta shahaadada ay ku heleen waxbarashadooda.

Ururka Dhalinyarada SYL II ayaa si weyn uga qeyb qaata horumarinta dhalinyarada, wacyi gelinta iyo xirfado shaqooyin loogu abuuray, waxaana dhalinyaro badan oo xirfad la’aan ah ay noqdeen kuwo ka faa’ida xirfadihii la baray, iyagoo haatan ku
haqeysta.

IMG_1979 IMG_1959 IMG_1956 IMG_1953 DSC05070 DSC04996 DSC04988 DSC04981 IMG_2020 IMG_2009 IMG_1983 IMG_1989

Idale News Muqdisho