Fiidow(INO) — Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay saddex ruux oo Dhallinyaro ah ku Gowracay Deegaan lagu magacaabo Yiblane oo ku yaalla Dulleedka Deegaanka Fiidow oo kala Qaybiya Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
Al-shabaab ayaa sheegtay in dhallinyarada ay gowraceen ay ciidanka dowladda Somalia ka tirsanaayeen ayna la shaqeynayeen kuwa Midowga Afrika ee ka socda AMISOM, ayna ku qabteen howgal kedis ah oo ay ku qaadeen deegaanka Fiidow.
Sidoo kale, Al-shabaab ayaa in howlgalka ay ku qabteen oo ahaa mid kadis ah ay qaadeen xalay fiidkii, ayna u suuro-gashay inay saddexdan ruux oo watay qoryaha fudud ay gacanta kusoo dhigaan.
Waxay Al-shabaab intaas ku dartay in saddex ruux ay ahaayeen ciidamada sida joogtada ah dhaca ugu geysta gaadiidka u kala safraya Gobollada dalka, isla markaan ay kufsi u geysan jireen haweenka gaadiidka safarka ah la socda.
Dhanka kale, Saraakiil ka tisran Al-shabaab ayaa sheegay in Saddex qori oo AK-47 ay ka qaateen saddexdan Ragga ah ee ay gowraceen, inkastoo aysan sheegin magacyadooda iyo darajooda ciidan midna.
Laakiinse, Dadka Deegaanka ayaa sheegay in dDhallinyaradan aysan wax lug ah ku lahayn ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas, balse ay ahaayeen xoolo-dhaqato si aad ah looga yaqaan deegaanka.
Al-shabaab ayaa horay sidan oo kale dhowr qof ugu gowracay qaar ka mid ah deegaanada Gobollada dalka Soomaaliya, kuwaaoso ay ku eedeeyeen inay ka Tirsan yihiin Dowladda Somalia ama ay Jawaasiir u yihiin Ciidamada AMISOM.
Ugu dambeyn, illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Dowladda Somalia oo ku aaddan in dhallinyaradan ay Al-shabaab ku gowracday duleedka deegaanka Fiidow ay ka tirsanaayeen Millateriga Somalia iyo in kale.
Idale News Online, Yiblane