Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo

0
228

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Raaskambooni oo qaab beel ah u dagaalamay.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in dagaalka Kismaayo uu muujinayo sida Kenya ay ugu guuleysatay inay meesha ka saarto ammaankii iyo kala dambeyntii.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay inuu fashilmay qorshihii maamul u sameynta, waxaana uu xusay in aan marnaba lagu guuleysan doonin maamul loo dhiso deegaanada Jubooyinka.

Waxaa uu ku eedeeyay Ciidamada Kenya inay magaalada ay ku garaaceen madaafiic, isla markaana dad shacab ah uu qasaare ka soo gaaray sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dadka deegaanka ay tabeen maamulkii iyo nidaamkii ka jiray halkaas oo uu xusay inuu ku suura galay gacanta Mujaahidiinta, ayna muddo ku naaloonayeen degenaasho iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Jubooyinka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay khilaaf weyn uu ka taagnaa qorshe maamul goboleed loogu sameynay Jubooyinka iyo Gedo.

Idale News Muqdisho