Muqdisho(INO)- Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa saacadaha soo socda kulan xasaasi ah, waxaa uu la leeyahay Madaxda kooxda Dam Jadiid.
Dam Jadiid waa kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka caawisay in uu noqdo Madaxweynaha Somaliya, September, 10, 2012.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saaxiibadii, ayaa muddooyinkanba Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka ku qalqalinaayay in markale uu isu soo sharaxo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Tani waxay ka dambeysay markii Dam Jadiid ay u cuntami weyday in Gudoomiyaha Baarlamaanka, ay u sharaxan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Ilo wareedyo, ayaa IdaleNews.com u sheegay in Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, uu mar sii horeysay uu diidmo u muujiyay Villa Somalia, in uu isu soo sharaxo jegadaasi.
Ilo wareedyadan, ayaa xaqiijinaya in Prof. Jawaari uu ka soo dabcay mowqifkiisii hore, isla-markaana ay macquul tahay in uu xilligan aqbalo soo jeedinta Villa Somalia.
Kulanka labada dhinac ay saacadaha soo socda ku leeyihiin Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la leeyahay wuxuu Jawaari ku xaqiijin doonnaa murashaxnimadiisa.
Haddii kulankan lagu xaqiijiyo aqbalaadda Jawaari, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho loogu qaban doonnaa xaflad ballaaran, si uu ugu shaaciyo in markale uu u tartamayo Guddoonka Golaha Shacabka.
Guddiga Doorashada ee Guddoonka kmg gaarka ah ee Baarlamaanka, ayaa Isniintii shaaciyay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka la dooran doono 11-ka bishan, halka labadiisa ku xigeenana la dooranayo 12-ka bisha.