Muqdisho(INO)- Xog la helay lana xiriirta Shirka Madasha wadatashiga qaran ee ka socda Muqdisho ayaa muujineysa in xal laga gaaray kuraasta aqalka sare ay ku yeelanayaan Gobollada Sool iyo Sanaag ee ay ku muransanaayeen Maamullada Puntland iyo Somaliland.
11ka Kursi ee aqalka sare ay ku lahayd Somaliland ayey madasha isku raacday in kursi ka mid ah la siiyo Puntland islamarkaana ka kale ay ka soo galaan Somaliland,waxaana ay taas ka dhigan tahay in Gobollada Sool iyo Sanaag Saamigii ay ku lahaayeen qeybta Somaliland loo wareejiyay Puntland.
Sidoo kale Madasha waxaa ay xal ka gaartay doorashooyinka dalka oo markan gudaha la galay 2017ka,waxaana isbeddel kale uu ku yimid doorashadii lagu heshiiyay in ay dhacdo 28-12-2016ka.
Xogta ayaa muujineysa in 5ta January ee 2017ka la doorto Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa Madaxweynahana la doorto 20-ka Januray ee 2017ka.
Dhanka kale waxaa oo baxaya Shuruudo cusub oo ay madasha isku raacday lana hordhigayo Musharrixiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya,waxaana ay xogta ay heshay IdaleNews.com muujineysaa in Musharrax kasta looga baahan yahay $30,000 (Soddon kun oo dollar), oo isdiiwaan gelin ah iyo 20 Xildhibaan oo taageersan in uu soo gudbiyo.
Beesha Caalamka ayaa horay uga digtay in doorashada Soomaaliya ay gaarto 2017ka,waxaana uu Keating horay u sheegay in Beesha Caalamka ay dib u dhac Siyaasadeed u aragto haddii ay doorashada Soomaaliya gaarto 2017.