Topnew:Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyaddii u horeysay ee sanadka 2018

0
209

Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2018 uu ku shaqeynayo, kaddib shir gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe, waxaana Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle ay Golaha Wasiirada u soo gudbisay Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto sanadkan.

Miisaaniyaddan ayaa ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo Dowladda Dhexe iyo hey’adaha  caalamiga ah, miisaaniyada ayaa gaareysa wadarta guud  $8,556,34.

Miisaaniyadani ayaa inteeda badan ku bixi doonta dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha iyo ciidanka