Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagixisdaa Caalamiga ku dartay labo xubnood oo ka tirsan Taliyeyaasha Al-Shabaab ee ka soo jeeda dalka Kenya, kuwaasoo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
Labada xubnood ee uu Mareykanka ku daray liiska Argagixisada ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Iimaan Cali iyo C/fatxaas Abuubakar Cali, waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay sheegtay inay qatar ku yihiin amniga Qaranka Mareykanka, muwaadiniintooda iyo siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha Mareykanka.
Axmed Iimaan Cali ayaa la sheegay in madax ka ahaa garabka Kenya ee Al-Shabaab, sanadkii 2012, waxaa lagu eedeeyay inuu agaasimay weerarada Shabaabka ka fuliyeen gudaha Kenya, sidoo kalena wax ka abaabulay weerarkii Saldhigga Ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel Cadde.
Axmed Iimaam ayaa horay uga soo muuqday muuqaalo uu baahiyay garabka warbaahinta Al-Shabaab, waxaana uu khudbad u jeediyay dagaalamayaasha Shabaabka ee Kenya u dhashay, isagoo ku hubeysnaa mid ka mid ah hubkii laga furtay ciidamada Kenya.
Waaxda Abaal marinta Cadaaladda ee Mareykanka ayaa horay hoggaamiyahan madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 3 milyan oo dollar, waxaana uu ka mid noqday Hoggaamiyeyaasha Shabaabka ee ku jira liiska dadka loogu doonista badan yahay ee madaxooda lacagaha la dul dhigay.