Taliyihii Hore Ee Ciidanka Asluubta Oo Sheegay In $200,000 Looga Dalbaday Inuu Ku Iibsado Beeraha iyo Dhulka Ciidanka Asluubta

0
243

Muqdisho(INO)-Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya oo shalay xilka si rasmi ah u wareejiyay, ayaa daaha ka rogay in intii uu xilka haayay loo keenay lacag aad u fara badan oo looga dalbaday inuu ku iibsado dhulka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Sheekh Xuseen Xasan Cusmaan Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta, wuxuu sheegay lacagta loo keenay inay cadad ahaan gaareysay labo boqol oo kun oo doolarka Mareykanka ah, waxaana loo soo bandhigay in lacagtaasi uu qaato uuna saxiixo dhulka iyo Beeraha ciidamada Asluubta ay leeyihiin.

Dad uusan sheegin nooca ay yihiin ayuu tilmaamay inay lacagtaasi u keeneen, balse isaga uu qaatay go’aan cad oo ku aadan in hantida qaranka uusan iibsaneyn.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya Sheekh Xuseen Xasan Cusmaan, ayaa wuxuu tilmaamay inay jiraan dad badan oo doonaya inay iibsadaan hantida qaranka, wuxuuna tilmaamay in musuq uu jiro oo loo baahan yahay in madaxda ay ka feejignaadaan.

Sheekh Xuseen Xasan Cusmaan, ayaa ku waramaayo in dalkaan uu u baahan yahay dad daacad ah oo shaqada qaranka ay dhab ka tahay, kana hortago falalka noocaasi oo kale ah oo lagu doonaayo in hantida qaranka lagu iibsado.

Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa wuxuu uga digay inuusan qaadan lacago laaluush ah oo hantida qaranka uu ku iibsanaayo.

Hadalka Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa wuxuu muujinaya in hantida qaranka ay jiraan dad doonaya inay iibsadaan, halka madaxda Dowladda qaarna ay qaataan lacagahaasi iyaga oo aan eegeyn masuuliyada iyo hantida qaranka ee ay wakiilka ka yihiin.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here