Taliyaha Nabadsugida oo amray in xitaa gaari dameerada soo galaya Muqdisho labaaro

0
225

Muqdisho(INO)—Taliyaha ciidamada Nabadguda Soomaaliyeed C/maan Maxamed Tuuryare ayaa amar ku bixiyay in la baaro gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee soo galaya magaalada Muqdisho iyo kuwa ka baxayaba.

Gen Tuuryare oo booqday ciidamada dowlada ee ka howlgala kontaroolka wadada laamiga ah ee degmada Afgooye in baaritaan adag lagu sameeyo gaadiidka xitaa gaari dameerada isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay gaadiidka sida khudaarta iyo caanaha soo gala Muqdisho.

Taliyaha Nabadsugida ayaa sidooo kale amray in la weydiiyo aqoonsi qof walba oo da’adiisu ka yar tahay Muqdisho iyo weliba damaanad.

Amarkan ayaa waxaa dhibaato ku noqon doonaa ardayda wax ka barata deegaanada ka baxsan Muqdisho iyo weliba ardayda kale ee waalidkood ay ku nool yihiin deegaanada u dhow dhow magaalada Muqdisho.

Labo maalmood kahor ayaa weerar ismiidaamin iyo weerar toos ah lagu qaaday hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho iyadoo weerarkaasna ay ku dhinteen dad gaaraya 15 ruux oo uu kamid ahaa diblumaasi u dhashay dalka Kenya.

Wasaaradda amniga ayaa hore u soo saartay amaro adadag oo lagu sugayo ammaanka hase yeeshee waxaa magaalada Muqdisho ku soo noqnoqday weerarada lagu qaado hotelada ay mas’uuliiinta dowlada degen yihiin.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here