Taliyaha Ciidamada xoogga oo kormeer ku tagay xero uu tababar uga socdo Ciidamada

0
234

Jaziira(INO)— Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Xerada Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasoo tababarro ay uga socdaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,

Taliyaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duwan ee xerada ay ciidamaddu tababarka ku qaataan, isagoo warbixino ka dhageystay Saraakiisha tababarka bixinaysay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.

“Tababarada aad qaadanaysaan waa qayb muhiim ah oo kamid ah dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan ee dib loogu dhisayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed”ayyuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha Tababarka bixineysay sida ay uga go’an tahay in ay soo saaraan ciidan leh tayo iyo tababar sare, waxaana uu kula dar daarmay Ciidamada tababarka u socday inay sugaan ammaanka dalka.

“Tababarada ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gutaan waajibaadka qaran ee ay u igman yihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed.

taliye (1)taliye (2)taliye (3)taliye (4)taliye (5)taliye (6)taliye (7)

Idlae News Online, Jaziira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here