Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya oo lagu wareejiyay qalab xafiiseed

0
235

Taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano AMISOM ayaa maanta qalab xafiiseed ku wareejiyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qalabkan oo ay Booliska AMISOM usoo marsiiyeen Dowladaha Jermalka iyo Talyaaniga ayaa loogu talagalay in  lagu qalabeeyo Xafiisyada Saldhigyada ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku leeyihiin 17-ka Degmo ee uu ka koobanyahay Gobolkani Banaadir.

Munaasabaddii lagu wareejinayay qalabkan ayaa waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ay kamid yihiin ku xigeenka wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga, taliyeyaasha ciidamada Booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

Charless Makono Taliyaha ciidamada booliska AMISOM ayaa ku wareejiyay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Shariif Shiikhuna Maye isagoo sheegay in qalabkan ay u soo dhiibeen dowladaha Jarmarka iyo Talyaaniga looguna talagalay in ay ku howlgalaan ciidamada Booliska.

Sidoo kale Shariif Shiikhuna Mayee ayaa markii uu guddoomay qalabkan kadib uga mahadceliyay Dowladaha Talyaaniga iyo Jarmalka taageerada ay u fidiyeen Booliska Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa ka codsaday Dowladaha caalamka in ay ka qeybqaataan caawinta Ciidamada ka shaqeeya amniga Soomaaliya si loo soo celiyo kala dambeynta iyo xasiloonid wadanka.

Booliska Soomaaliya ayaa horay taageero dhinaca gaadiidka iyo Isgaarsinta ka helay Dowladda Japan iyadoo qalabkani uu gacan ku siiyay Booliska in ay sii horumariyaan howlahooda ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho