Taliska Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta tababar mudo Lix bilood ah socday usoo xeray in ka badan 150 Askari oo talisku uu tababar siinayey.
Ciidammadan maanta tababarka loosoo xirayey ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 150 Askari waxaana mudada lixda bilood ah ee ay tababarka qaadanayeen tababar la xiriira Leyla Dable, ayagoo si gaar ahna Ciidammadan loogu tababaray sida loola dhaqmayo maxaabiista ku xeran xabsiga dhexe.
Taliye ku xigeenka Ciidammada Asluubta ahna Kusimaha Taliyaha Ciidammada Asluubta Mudane Xuseen Xasan oo ka hadlay Munaasabadda tababarka loogu soo xerayey Ciidammadan ayaa sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay tababarro si isdaba joog ah loo siinayo Ciidammada ka mid noqonaya Taliska Asluubta Soomaaliyeed.
Tababarkan maanta loosoo xiray askartan gaareysa 150ka Askari oo hada wixii ka dambeeya ka mid noqonaya Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan ay magaalada Muqdisho Taliska Ciidammada Asluubta ku qabteen munaasabad muujineysa sida ay usoo dhismayaan Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed.
Idale News Mogadishu