Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa ka codsaday shacabka soomaaliyeed in ay gacan ka geeystaan sidii looga lahaa dadka degan xereyaha ciimada xooga si dib loogu dhiso
Sareeye gaas C/qaadir sheekh Cali Diini taliyaha ciidamada XDS oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay baneeyaan xarumaha ciidamada XDS si ay u dagaan ciidamada xarumahoodii loogu tala galay .
Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay wadaan qorshe ku aaadan in gabi ahaamaba la dayactiro xarumihii ay lahaayeen ciidamada XDS isla markaana la kala saaro ciidanka iyo shacabka si taa loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in si shuruud la’aan ah ay baneeyaan dadka degan xarumaha ciidamada.,
Dhinaca kale taliyaha ayaa ka hadlay rag ku labisan daraeyska ciidamada XDS oo dhac iyo boob u gaysata bulshada ku dhaqan deegano ay ciidamadu gacanta ku hayaan, waxaa uuna cidamada ku booriyay inay ka hortagaan wax waliba oo hoos u dhigaya sharafta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed maadama shcabku uu yahay dad ku hoos jiraa ilaalinta iyo dhawrista ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed.
Idale News Muqdisho