Taliska AMISOM oo sheegay inay Ciidamo geynayaan Galgaduud

0
197


Taliska Ciidamada AMISOM ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inay suura gal tahay in Ciidamo ay geeyaan Gobolka Galgaduud, kadib markii Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ay codsi u jeediyeen.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan Col. Cusmaan Dhubad ayaa sheegay inay kulamo ay yeesheen Maamulka Galgaduud iyo Ahlusuna, ayna ka wada hadleen sidii looga midoobi lahaa howl galada.

“Waxaa jira kulamo aan yeelanay walaalaha Soomaaliyed ee Galgaduud, waxaa tababar siin doonaa Ciidamada oo halkan nagu imaanaya”ayuu yiri Col. Cusmaan Dhubad.

Sidoo kale Col. Dhubad ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay inay tagaan Galgaduud, isla markaana qorshahaas mar dhow ay dhameystiri doonaan.

Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa dhowaan codsaday in Ciidamo ka socda AMISOM la geeyo deegaanada Galgaduud, iyadoo Ciidamada Ahlusuna ay dagaalo kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.

Idale News Muqdisho