Afhayeenka Ciidamada Amisom ee Somaliya kusugan Korneel Cali Adan Xumad ayaa waxa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimo kala duwan.
Cali Adan Xumad ayaa waxa uu ka hadlay ugu horeyn in ciidamada Amisom laga saari doono guryaha muqdisho ay fariisimaha ku leeyihiin maadama dadkii lahaa ay ka codsadeen.
“Ciidamada waxaa ugeysay baahi inay fariisimo ka sameystaan guryaha rayidka ay leeyihiin magaalada Muqdisho maadama ay Xerooyin ciidan meesha ku oolin waana kasoo saari doonaa ciidamadaasi ayuu yiri Korneel Xumar”.
Afhayeenka Ciidamada Amisom ee Somaliya kusugan Cali Adan Xumad ayaa waxa uu si cad usheegay in Amniga Wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho ay nabad tahay sida uu sheegay.
“Xamar waxaan leenahay waa Xor,isku socodka dadka iyo gaadiidka ay la socdaan baabuurta ah ay si mid nabad ah ku maraan wadadaasi ayuu yiri Korneel Xumud”.
Ugu dambeyntii Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa waxa uu hambalyo udiray Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Sanad guuradoodii 53-aad ee Aas-aaskooda ku aadan taasi oo shalay loo dabaal dagay iyagoona ballan qaaday tababaro iyo wada shaqeyn dhinac walbo ah ay siin doonaan ciidamada dawlada Somalia.
Idale News Muqdisho