Taariikhda Wasiirka Kowaad Cabdi Farax Garaad Shirdoon (Saacid)

0
311

R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Garaad Shirdoon “Saacid” waa ganacsade ku ganacsade wadanka Kenya iyo wadamada East Africa

Ra’iisul Wasaaraha oo dadka intiisa badan ay ugu yeeraan Saacid Garaad ayaa waxa shahaadada dhaqaalaha (Bachelor of Commerce) ka qaatey Kuliyadii Lafoole sanadkii 1983  .

Waxuu Saacid ayaa sanadii 1983 ilaa 1985 kasoo shaqeeyay wasaaradii maaliyada iyo tan beeraha oo uu ka ahaa dhaqaal yahan halkaas uu 1985 u wareegay ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uuna la soo shaqeeyay shirkadii lagu magacaabijiray Bretton woods instatutions isla markaana uu ahaa aas aasihii iyo milkiilihii shirkada loo yaqaano shirdon international Ltd ilaa 1991.

Dagaalkii sukeeye ee ka dhacay dalka  sanadka markii uu ahaa 1991 ayuu u guuray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya markaas oo uu noqday aas aasihii iyo milkiilihii shirkada looyaqaan shitreco Ltd iyo Shaam.

R/wasaaraha cusub ee dalka ayaa ahaa mudadii uu burka jiray shaqsi u dhuun duleela siyaasada dalka Soomaaliya hadba meesha uu mareyso.

Saacid Garaad ayaa loo doortay May 2012 guddoomiyihii ugu horeeyay ee Xisbi lagu magacaabo Rajo ka dibna la mataano ahaa Xisbiga Nabada iyo Horumarka ee uu madaxweynuhu ka soo jeedo.

Saaciid waxaa u dhaxda Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi in ka badan 12 sano oo is xigxigta aheyd Xildhibaanad, isla markaasna soo qabatey xilal Wasiir dowladii C/qaasim Salaad iyo kuwii kale ka dambeeyey.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com