Sida ku cad war ka soo baxey waaxda socdaalka dalkan Sweden ayaa lagu sheegay in maadaama ay aad u soo hagaageyso xaalada ammaan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Somalia oo ay Muqdishana kujirto ay tahay mid aanu ka taagnayn khilaaf hubaysan waloow xaallada guud aysan weli caga badan ku taagnayn.
Waaxda socdaalka ayaa sheegtay inay weli jiraan dagaallo aan badnayn oo ka dhaca koofurta iyo bartamaha Somalia balse uu amaanku aad u wanaagsan marka ay timaaddo gobollada Puntland iyo Somaliland ee woqooyinga Somalia marka loo eego koofurta.
Xigasho ‘’Guddi ka socda waaxda socdaalka ayaa si joogto ah ula socday xaaladda Somalia, anagoo bishii June Muqdisho ku tagnay safar aannu xaaladda ku qiimeyneyno.
Cadaymihii aan helnayna waxay muujinayeen in xaalladda amaan ee Muqdisho ay kasoo raysay sanadkii tegey’’ ayuu yiri Fredrik Beijer oo ah ku xigeenka arimaha sharciga ee waaxda socdaalka.
Fredrik Beijer ayaa intaa raacshay in waloow ay xaaladda amaan ay intii hore ka wanaagsan tahay misna ay jiraan dagaallo ba’an oo ka taagan koofurta dalka Somalia kaasoo keenaysa baahi loo qabo in si gaar ah loo eego kiisaska magangalyo ee qof kasta si loo go’aamiyo inay jirto halis mucayin ah oo la taaban karo oo keeni karta inuu qofku naftiisa u cabsado oo soo cararo.
Waaxda socdaalka ayaa tibaaxday in amaanka soo hagaagaya ay inta badan sabab u yihiin dagaallada lagu ekeeyay kooxda Al Shabaab ee ay wadaan ciidamada dowladda, kuwa midowga Africa ka socda iyo dalalka Kenya iyo Ethiopia taasoo dhashay inay Al Shabaab ka gurtaan caasimadda Muqdisho iyo degaanno ka tirsan koofurta iyo bartamaha Somalia iyadoo ay sidaa ku wiiqantay awooddii cadaawadeed ee ururkaasi sida ay sheegeen.
Waaxda Socdaalka ayaase farta ku fiiqaysa in amaanka guud ee koofurta iyo bartamaha aan weli la isku hallayn karin maadaama aanu weli wada gaarin maamul hufan oo hoos taga dowladda dhexe ee Somalia sidaa darteedna ay jirto xaalad hubaal la’aaneed oo haysata dadka goobahaa ku dhaqan oo weli la kulmaya tacadiyo ka dhan xuquuqaha aasaasiga ah ee uu insaanku leeyahay.
Maadaama ay waxan oo dhami jiraan waxay waaxda socdaalku si gaar ah ula macaamili doontaa kiis kasta iyadoo maanka lagu hayo cahdiyada caalamiga ah ee arimahan khuseeyana waxaana marka hore la eegi doonaa in qofka Soomaaliga ah ee wax codsanayaa uu u qalmo qaxootinimo, deetana waxaa la eegi doonaa in uu u baahan yahay ximaayad ama ilaalin oo ay naftiisu halis kujirto iyadoo intaa kadib wixii soo raaca ay noqon karaan in la eego hadii ay jiraan sababo dheeraad ah oo uu qofkani ku mutaysan karo ilaalin gaar ah.
Waloow ay xaaladda amaan kasoo raynayso misna waxaan meesha ka bixin suuragalnimada inay jiraan dad weli ka qaxaya guryohooda iyadoo ay waaxda socdaalku diiradda 1-aad saarayso inuu qofku heli karo dookh ku aadan inuu u qoxo goobaha nabdoon ee ka tirsan qaybaha kale ee Somalia.
Ugu dambayntii waaxda socdaalka Sweden ayaa warbixinteeda kusoo afmeertay inay si dhow ula socon doonaan tadawurka ama wixii hadba kasoo kordha Somalia si ay markasta u qaataan go’aanka ku haboon hadii lacalla ay kasii darto xaaladda amaan ama ay si kale wax isu bedelaan.
Waaxda socdaalka ayaa markii hore waxay koofurta iyo bartamaha Somalia u tixgelin jirtay mandiqad uu ka taagan yahay dagaal hubaysan iyagoo ruqsad deganaansho oo otomaatig ah siin jiray qofkii goobahaa ka yimaada lkn haatan wixii ka dambeeya arintu waxay isu bedeli doontaa in kiiska qof kasta loola dhaqmo si waafaqsan xogta uu qofku soo gudbiyo gaar ahaan wixii la xiriira dhibaato isaga si gaar ah isaga u haysata.
Xigasho: Swedish Migration Board www.migrationsverket.se/info