Suuqa Bakaaraha:Inta badan Ganacsiga oo saaka albaabada loo laabay

0
216

Idalenews.com(Mugdisho)waxaa saaka xiran ganacsigii qeybaha kala duwan ee Suuqa Bakaaraha, kaddib markii shalay Ganacsatada Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen inay sameynayaan shaqo joojin ay uga cabanayaan canshuuro lagu soo kordhiyay.

 

Kulan shalay Ganacsatada Gobolka Banaadir ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay kaga dhawaaqeen inay joojinayaan ganacsiga Suuqyada Muqdisho, isla markaana aysan awoodin canshuurta xad dhaafka ee la soo kordhiyay.

Goobjoogayaal ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa soo sheegaya in qeybaha ganacsiga suuqa ee jumlo iyo tafaariiq ay xiran yihiin, sida dukaamada raashinka, kuwa dharka lagu iibiyo iyo qeybaha kala duwan.

Xubno ka tirsan Guddiga Ganacstada Suuqa Bakaaraha ayaa saaka ku sugan Suuqa Bakaaraha, iyagoo ku wargelinayay Ganacsatada inay xiraan ganacsigooda, si ay uga mudaaharaadaan canshuurta lagu kordhiyay.

Xirnaanshaha ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Koofurta Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay sababto sicir barar ku yimaado qiimaha kala duwan ee raashinka qutul daruuriga iyo ganacsiga kale, hadii ay sii socoto gadoodka ganacsatada.

Kulan ay lahaayeen ganacsatada iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhamaaday is faham la’aan, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha ku adkeystay in canshuurta bixiyaan, si dalka dib loogu dhiso.

Hase ahaatee Ganacsataday ayaa ku doodayaa in canshuurta lagu kordhiyay ay tahay mid ku eg magaalada Muqdisho, taasoo khasaare ku ah ganacsigooda, isla markaana aanay la qaban ganacsatada kale ee ku dhaqan magaalooyinka kale.

Alaabaha laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho ayaa lagu kordhiyay canshuur, iyadoo la soo kordhiyay canshuurta loo yaqaano VAT oo alaabtii lagu canshuurayo 5%, taasoo Ganacstada ay aad uga cabanayaan.