Baydhabo(INO)-Waxa Xeer gebo gebo ah Maraya Dhismaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo marar badan dib u dhacyo ku yimid isla markaana odayaasha Dhaqanka iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxay ku mashquulsan yihiin kala Shaandheynta Xubnaha ka mid noqoneya Baarlamanka Dowlada KG Soomaaliya.
Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Suldaan Munye Dheere, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Ee Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta u sheegey warbaahinta in Bishan Gudaheeda La soo dhameystiraayo sido kalena la dhaarin doono Xubaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa kale uu hoosta ka xariiqey in la Dooran doono Gudoomiyaha iyo Ku Xigeenadiisa.
“Dhismaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya meel fiican ayuu inoo marahaya, waxaan rajeynayna in Bishan la soo dhameystiro Xubnaha lana dhaariyo, ugu dambeyntiina ay doortaan Gudoomiyaha iyo Ku Xigeenadiisa” ayuu yiri Suldaan Xaydar
Waxa kale uu xusey in ay jireen Caqabado iyo Khilaafyo badan oo ay ka taagnaayeen dhanka Gobolada Shabellaha Hoose iyo Bakool, hase yeeshe waxa uu sheegey hadda arintaasi Xal laga gaarey.
“ waxa jirey Caqabado inooga imaanayay Gobolka Bakool iyo Shabellaha Hoose, oo Beelaha halkaas dega oo aysan ku qanacsaneyn Saamigii loo qoondayey, laakiin arintaas oo dhan waa lagu guul gaarey Xalkooda, waxa jiro Gudi Xalinta khilaafaadka ah, waxayna ka kooban yihiin 9 oday Dhaqmeed oo Khibrad u leh dib u fiirin iyo Xalinta Khilaafka, Markii Na loo Keeno Kiis Cabashada Beelaha Dhexdooda ah waxaan sameynaa Baaritaano wayna isla gurfeynaa, Si cadaalad ah ayaa ku dhiseynaa Baarlamanaka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Suldaan.
Ugu dambeyntii, waxa dib u dhacyo ku yeeshey Horumarka iyo Dhaqaallo La’aanta haysatada Dowladda KGS, dhismaha Baarlamanka KG Soomaaliya oo sii daba dheeradey Xulistiisa, waxaana tirada Xildhibaanada la sheegey in la Gaarsiyey ilaa iyo 125 Mudane ka dib markii Cabashooyin badan ay Muujiyeen Beelaha qaar ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kordhintaas waxa lug ku leh RW, Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Danjiraha QM Ee Arimaha Soomaaliya Nucholus Kay oo dhawaan Booqasho ku yimaadeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo