Soomaaliya oo lagu casuumay Shir Caalami ah oo ka dhici doona Tokyo, Japan

0
238

Dowladda Japan ayaa ku marti qaaday dowladda Soomaaliya shir Caalami ah oo looga hadlayo Hormarinta Africa oo ay dowladaasi soo qaban qaabiso.

Safiirka cusub ee Japan u soo Magacaawday dalka Soomaaliya oo shalay warqadihiisii Aqoonsiga laga gudoomay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u keenay warqada casuumaad ee ku aadan ka qeybgalka shirkaasi.

Ambassador Atoshisa Takata ayaa sheegay in shirka TIKAD (Tokyo International Conference for African Development) oo ah shir caalami ah oo looga hadlayo hormarinta qaarada Africa uu bishan June 1-3 ka dhaci doono Magaalata Tokyo ee caasimada dalka Jaban.

Danjiraha Japan ee Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Shirkani uu yahay kii shanaad ee la qabto tan iyo Markii la asaasay TIKAD oo ah shir ay ugu talagashay dowladda Japan hormarinta qaaradan Africa.

Atoshisa Takata ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Japan ay ka go’antahay sii wadida wada shaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in hormarka Soomaaliya ka jira uu soo jiidanayo indhaha dowladaha caalamka.

Shirkan caalamiga ah ee TIKAD ayaa la soo bilaabay sanadii 1993dii, waxaana la qabtaa shanti sanaba mar, iyadoo hadii uu ka qeybgalo Madaxweyne Xasan Sheekh Shirkaasi Caalamiga ha uu noqonayo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka socda ee ka qeybgala shirkaasi.

Idale News Muqdisho