Somalia oo si weyn looga ciiday

0
232

Wararka ka imaanaaya gobalada dalka Soomaaliya ,waxa saaka si weyn looga ciiday dhammaan gobalada dalkeena Soomaaliya.

Magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Garowe, Baladwayne, Baydhabo, Marka, Jowhar Afgooye, Dhuusamarreeb iyo Kismaayo ayaa si isku mid ah saaka loogu arkayaa wadooyinka magaalooyinkaas.

Masaajida waaweyn ee dalka ayaa laga maqlayaa takibiirta salaada ciida Carafo, waxana dadka ay isugu hambaliyeenayaan ciid mubaarak.

Magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya ayaa dadka ku dhaqan saaka waxay ciidayaan iyadoo magaalada ka Al-Shabaab ku sugneen, waxana magaalada hadda ka arrimaya ciidamada huwanta ee magaalada qabsaday bishii la soo dhaafay.

Lama soo sheegin wax dhib ah oo laga soo wariyay magaalooyinka dalka Soomaaliya ee saaka laga ciidayo.

In ka badan hal milyan iyo bar oo muslimiin ah oo ku nool waddamada caalamka ayaa saaka ciidaya ciida carafo.

Magaalooyinka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ee dalka ayaa laga dareemayaa ciida carafo, carruurta ayaa loo xiray dhar cusub.

Waxa naga xasuus ah in warbixino iyo sawirro ku saabsan maalinta ciida carafo oo maanta kow ah aad kala socon kartaan idalenews.com

Dhammaan shaqaalaha iyo maamulka Idale News waxay idiin lee yihiin ciid wanaagsan meel kasta oo aad dunidda ka joogtaan.