In ka badan 130 xildhibaan ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyagoona u soo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dego xilka madaxweynenimo maadaama bay yiraahdeen uu ku guul dareystay lixda tiir ee uu ballan qaaday.
Cismaan Xaaji Cali oo akhriyay war murtiyeed ka soo baxay xildhibaannada shiray ayaa goobta ka sheegay in talada ay soo jeedinayaan ay la ogyihiin wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Necholas Kay iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Wuxu sheegay in madaxweynaha uu ku guul dareestay ammaanka dalka iyo in dib u heshiisiin la dhex dhigo beelaha ku dagaalamaya gobalada dalka.
Go’aanka baarlamaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha uu dagalka ka maqan yahay.
Haddaba akhriste siddee u aragtaa go’aanka ay gaareyan xildhibaannada maanta Muqdisho ku shiray?
Idale News Online, Muqdisho