Djabuuti (INO) – Saraakiil isugu jira Boolis iyo Nabadsugidda ah ayaa waxaa ay dhameysteen Tababar 3 Bilood ah oo ka dhacay Dalka Jabuuti waxaana Qandaraaskaas oo gabangabeeyey Cidamadda Karabinyeeriga iyo kuwa Digos ee Dawladda Talyaaniga.
Saraakiishan oo tiradoodu tahay 200 oo Askari ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan Horumarinta Amniga Dalka sida Warbixintu ay xuseyso.
Tababarka Noocan ah waa kii 4aad oo ay Dawladda Talyaaniga ku sameyso gudaha Jabuuti waxaana Ciidamadan loo tababaray Howlaha muhiimka ah, Dambi barista , Sugidda Amniga Dadka Muhiimka ah iyo in ay hantaan Sharciga iyo kala dambeynta Dalka.
Tababarka oo ay fulisay Dawladda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Dawladda Talyaaniga ay ku dooneyso in uu Xoogeysto Xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga. Dawladda Talyaaniga waxaa ay ka mid tahay Dawladaha Soomaaliya ka taageera Ammaanka iyadoo dhowr jeer oo hore ku wareejisay Dawladda Soomaaliya Gaadiidka Dagaalka iyo kuwa Booliska.
Idale News Online, Muqdisho