Sirdoonka Somalia Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Ku Howlanaa Daabacaada Doolar Been Abuur ah

0
206
Muqdisho(INO)— Ciidamada Nabbad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigay rag la sheegay inay ku howlanaayeen daabacaada lacag doolar been abuur ah.
Ciidamada NISA ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay ku qabteen warshad lagu farsameeyo doolarka been abuurka ah iyo dadkii ku howlanaa.
Ciidamada NISA ayaa baaritaanka waxay ka sameeyeen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana guri ku yaala degmadaasi ka qabteen warshad lagu dhaqo doolarka been abuurka ah.
Wakaalada wararka qaranka Soomaaliyeed ayaa baahisay in lix ruux oo loosoo qabtay falkaasi xabsiga ay dhigeen ciidamada NISA.
Taliska NISA ayaa sheegay in howlgalkaasi inta uu socday hal askari uu ku dhintay, balse lagu guuleystay in lasoo qabto warshada doolarka lagu dhaqo iyo dadkii falkaasi ku howlanaa.
Ciidamada NISA ayaa habeenadii ugu dambeeyay howlgalo baaritaano ah ka sameynayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho