Sir Alex FergusonTababaraha kooxda kubadda cagta ee Manchester United Sir Alex Ferguson, ayaa wuxuu maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay shaqadii tababarnimo ee kooxda.
Tababaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Manchester ayaa wuxuu cadeeyay, inuu qaatay go’aan uu ku sheegay inuu ka soo fikiraayay muddooyinkii ugu dambeysay.
Tababaraha ayaa wuxuu sheegay in uu shaqada kooxda uu isaga tagey, xilli kooxda ay ku jirto buu yiri waqtigeedii ugu fiicnaa, uguna xoogga badneyd, sida uu hadalka u dhigay.
Sir Alex Ferguson oo 71 sano jir ah, una dhashay dalka Scotland ee Boqortooyada Britain, ayaa wuxuu kooxda uu dhawaan u noqon doonaa Ambassador.
Sirka oo ku dhawaad 27 sano la soo joogay kooxda Manchester United, ayaan wax walaac ah ka muujin in dib u dhac uu ku imaan doono kooxdiisa, isagoo u rajeeyay inay horey u sii amba qaadi doonto.
Macalinkaan ayaa intii uu kooxda joogay ku guuleystay 13 horyaalka Premier League, labo Champions League, UEFA Cup Winners Cup, shan FA Cup iyo shan League Cup.
Guulaha uu gaaray
Premier League: 1993, 1994, 1996, 1997, 1999, 2000, 2001, 2003, 2007, 2008, 2009, 2011, 2013
FA Cup: 1990, 1994, 1996, 1999, 2004
League Cup: 1992, 2006, 2009, 2010
Champions League: 1999, 2008
Cup Winners Cup: 1991
FIFA Club World Cup: 2008
UEFA Super Cup: 1992
Inter-Continental Cup: 1999
FA Charity/Community Shield: 1990 (shared), 1993, 1994, 1996, 1997, 2003, 2007, 2008, 2010, 2011
Idale News Muqdisho