wararka ka imaanya magalada kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi la soo gaadhsiiyay caruur ku sumobay Biyo ay cabeen iyoo Hooyadood oo Geeriyotay.
Musiibadan ayaa ka dhacaday Jasiiradda Kudhaa,waxaana qoyskani oo xoolo dhaqata ahaa cabeen Biyo sumeysan balse lama sheegin sida biyahani u sumobeen.
8-Caruur ah ayaa la keenay Cusbitaalka Jaamacadda magalada Kismaayo,waxaana haatan soconaya da’daal ku aadan sidii loo dabiibi lahaa caruurta oo qayb ahaan aad u liidato xaaladooda,sidoo kale waxaa xili hore geeriyotay hooyada dhashay.
Wariye ku sugan Kismaayo ayaa Calanka Goor dhaweyd u xaqiijiyay in ay ku sugan yihiin Cusbitaalka Jaamacadda walina ay socoto da’daalka dhaqaatiirta,isagoona qiray in ay jiraan caruurta qaar aan Neefsan karin.
Ugu danbeytiina arimahani ayaa ku soo beegmaya xili dalka somaliya la sheego in ay jirto xaalado xun oo dhinaca sixadda iyo caafimaadka ah maadama aanay dalka si wanaagsan u wada shaqeynayn laamaha qaabilsan Fayadhowrka dadka shacabka ah.
Idale News Muqdisho