Shirweynihii Maamul u sameynta Jubooyinka oo dib u dhacay iyo Dowladda Soomaaliya oo ka baaqsatay

0
227

Waxaa uu dib uu ku yimid shirweynihii Maamul u sameynya Jubooyinka oo lagu waday in saaka uu ka furmo magaalada Kismaayo, kaasoo maalmihii u dambeeyay qaban qaabadiisa si weyn looga dareemayay magaaladaas.

Sida ay sheegayaan wararka gudiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in shirka dib loo dhigay muddo aan la cayimin, iyagoo dib u dhaca shirka u sababeeyay in casuumaada ay u fidiyeen dowladda Soomaaliya ay ka soo jawaabi waayeen.

Col. Axmed Maxamed Sheekh oo ka mid ah gudiga abaabulka shirka ayaa sheegay in dhamaan ergooyinka ay xaadir ku yihiin madasha, hase ahaatee shirka dib u dhiciisa ay sababtay dowladda Soomaaliya.

“Dhamaan ergooyinka waa soo xaadireen, saaka waxaa ka sugayay in dowladda Soomaaliya ka soo qeyb galaan, balse codsigii loo diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kama aysan soo ajwaabin, dib u dhaca taas ayaa sabab u aheyd”ayuu yiri Col, Axmed.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in wada jir wax loo dhiso, isla markaana dowladda ay raali ka noqoto, hase ahaatee waxaa uu xusay inay go’aan ka soo saari doonaan hadii dowladda Soomaaliya ka soo jawaabi weyso codsigooda.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka soo baxayay guux ku saabsan shirka maamul u sameynta Jubooyinka, waxaana jiray shirar kala duwan oo Muqdisho ka dhacayay oo looga soo horjeeday, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si dadban u diidaneyd habka loo waday qaban qaabada iyo maamul u sameynta.

Idale News Muqdisho