Shirweynaha Maamul u sameynta Jubooyinka oo saaka mar kale lagu wado inuu ka furmo Kismaayo

0
227

Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo, kaasoo dib u dhac uu ku yimid 23-kii bishan, iyadoo saaka magaalada laga dareemayo qaban qaabada iyo diyaar garowga shirka.

Inkastoo shirweynahan uu hareeyay mucaarado iyo khilaaf, hadana waxaa muuqata in Maamulka KMG ee Kismaayo uu ku adkeysanayo in shirkan uu qabsoomo, xataa hadii aysan dowladda wafdi soo dirin.

Wafdi ka Wasiiro ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo labo maalmood ka hor tagay Kismaayo, si ay u dhameeyaan xiisada iyo muranka ka taagan shirweynaha ayaa ku guuldareystay in Mas’uuliyiinta Maamulka KMG inay ku qanciyaan in Muqdisho ay yimaadaan.

Qorshaha Maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa gadaal ka riixeysa dowladda Kenya, waxaana in shirkan uu maanta soo deg dego ay ka dambeysay markii dhinacyadii dagaalamay shalay la kala qaaday, isla markaana heshiis la dhex dhigay.

Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa sheegay in kulankan muhiimadiisa yahay inuu qabsoomo kaliya, iyadoo ay dhici karto in markii 3aad uu mar kale dib u dhaco.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaban qaabada ay ka duwan tahay kuwii hore, waxaana wadooyinka lagu arkayay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo lagu muujinayay taageerada loo haayo shirweynahan.

Inta badan ergooyinka ka qeyb geli lahaa shirka ayaa ku sugan Kismaayo, kuwaasoo la isugu geeyay Xarunta Jaamacada Kismaayo, waxaana saaka la filayaa inay gaaraan Ergooyin ka imaaneysa Garowe.

Idale news mogadishu