Shirkii Wadamada Carabta ee ka socda Riyaad oo goordhow lasoo gaba-gabeeyay

0
203

Shirkii wadamada carabta ee looga hadlaayey dhaqaalaha wadamada carabta ee ka socday dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan Magaalada Riyaad ayaa la soo gaba gabeeyay goordhaweyd iyadoo arrimo dhowr ah looga wada hadlay.

Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalida dalka Sacuudiga Cali Nuur Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay ay ka mid yihiin taageerada Wadamada carabta ee dhaqaalahooda liito.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hadal qiimo leh ka jeediyay intii uu socday shirka isaga oo kaga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xaaladaha isbedelka.

Cali Nuur Macalin ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dalalka carbeed ee kulanka ka soo qeyb galay uu ka codsaday in la garab istaago dalka Soomaaliya oo muddo dagaalo ay ka dhacayeen.

Wuxuu tilmaamay in masuuliyiinta wadamada carbeed ee shirka ka soo qeyb galay ay isku afgarteen in la taageero dalka Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka carabta ee dhaqaalahooda uu liito.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaatay masuuliyiinta wadamada carabta ee shirkaasi ka soo qeyb galay oo ay ka wada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya.

Idale News Muqdisho