Shirkii maamul u sameynta Jubbooyinka oo Kismaayo ka socda

0
229

Magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada hoose waxaa ka soconayay maalmihii ugu dambeeyay shir la sheegay in maamul goboleed la magac baxay Jubbaland loogu samaynaayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo kaas oo ay ka qaybgalayaa xubna kala duwan oo is uruursaday.

Waxaa sidoo kale jira culuma’udiin waxgarad odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin goboladaasi u dhashay oo si weyne uga soo horjeeda maamul u samaynta xiligan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,  iyagoo ku doodaya in waqtigan aaney ku haboonayn ka hadalka mowduuca la xiriira maamulka goboladaasi,  maadaama inta badan deegaanada la doonayo ay gacanta ugu jiraan kooxda Al Shabaab.

Inkasto xubnaha ka qaybgalayo shirka Kismaayo ay yihiin dad u dhashay gobolada maamulka loo samaynaayo hadana waxaa ay dadku leeyihiin ma ahan kuwa ay ka go’do talada goboladaasi sidaa darteed waa arimo dana kale laga leeyahay.

Shirka waxaa horboodaya oo qaban qaabadiisa iska leh  xubna ka tirsan maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo kuwaas oo la rumaysan yahay in damac siyaasadeed uu uga jiro hogaaminta maamulka loo sameeynayo goboladaasi.

Idale News Muqdisho