Shirkada Diyaarahada ee Horn of Africa oo ka bilowday duulimaad maalinle ah Muqdisho, Kismaayo, Beledweyne iyo Baydhaba

0
200

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AMISON ayaa siiyey mid ka ah diyaaradaha private loo leeyahay ee ka howlgala Soomaaliya ruqsad ay duulimaad maalinle ah oo ugu duuli karto qaar ka mid ah gobalada dalka kuwaasoo dhawaan xarakada Al-shabaab laga saarey.

Shirka lagu magacaabo Horn of Africa Airline oo la siiyey ruqsadaas duulimaad ayaa iyadu qorsheyneysa inay maalin walba duulimaadyo ku tagto magaalooyinka Baydhabo, Beledweyn, Kismaayo, iyadoo ka ambabaxeysa magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska AMISOM ayaa lagu sheegay in howl galada diyaaradan uu siin doono dadka deegaanka inay si fudud ku tagaan deegaanadooda, iyadoo ay jireen cabsi xaga ammaan iyo wadooyinka oo bur bursan, waxaana sidoo kale duulimaadkan uu gacan ka geysan doonaa inuu fududeeyo baahiyaha jira iyo howlaha gurmadka deg dega ah.

Shirkadan ayaa horay uga howl gashay Somaliland iyo Puntland, waxaana ay uga mahadceliyeen Ciidamada AMISOM, kaalinta ay ka qaateen xaga ammaanka iyo dadaalka ay ugu jiraan in dadweynaha Soomaaliyed ugu soo celiyaan nabad iyo xasilooni.

Idale News Muqdisho