Dhageyso: Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran Oo Qarka U Saaran In Heshiis Laga Gaaro

0
199

Muqdisho(INO)— Shirka Madasha wada tashiga qaran ee maalmahan ka socday Xarunta Madaxtooyada ayaa ku dhow in heshiis laga gaaro, iyadoo shirar gaar ah ay Madaxda kaga arrinsanayaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta Agosto kadib.

Halkan Ka Dhageyso

Warar hoose oo aanu ka heleyno Madaxtooyada ayaa sheegay in aanu haatan shir guud socon, maadaama Madaxweynaha uu dalka ka maqan yahay, hase ahaatee waxaa socda shirar gaar gaar ah oo Madaxda kale iyo Beesha Caalamka leeyihiin, kaasoo lagu sii ambaqaadayo qodobada qaar ee ka jira is faham waaga.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saaraya Madaxda Soomaalida in shirkan aanu marin wadadii Kismaayo, waxaana Madaxda Maamul goboleedyada ay yihiin kuwo kulamadooda marna gaar yihiin marna u dhan yihiin, sida Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo isku aragti ah.

Qodobadii la isku hayay ee ahaa in Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5 halka aqalka sare lagu soo xulo qaab deegaan ayaa ah mid u dhow in is afgarad laga gaaro.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed uu soo jeediyay in qaabka lagu soo xulayo Aqalka sare ee Baarlamaanka ay noqoto mid ay soo diraan Madaxda Maamul goboleedyada, maadaama cida deegaanada ka arrimisa ay iyaga yihiin.

Hase ahaatee Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa isna in Aqalka sare ay noqoto mid ku saleysan 18 Gobol.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa labada isku howlaya in shirarkan mira dhalo, iyagoo si joogto ah dhinacyada shirarka gaar gaarka u socda ugu dhex jira.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa u sheegay Idalenews.com inay u badan tahay saacadaha soo socda in heshiis la gaaro, isla markaana la soo saaro war murtiyeed, iyadoo ay u badan tahay in Aqalka Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5, halka Aqalka sare lagu soo xuli doono qaab deegaan.

Beesha Caalamka ayaa horay uga dalbaday Madaxda Soomaaliya inay gaaraan go’aan ay ku mideysan yihiin ka hor 28-ka bishan oo ku beegan maalinta berri oo Khamiis ah.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here