Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo Maanta lasoo Gunaanadayo Muqdisho

0
229

Muqdisho(INO) — Maanta ayaa la fiayaa in Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo shirka madasha wada-tashiga doorashada 2016-ka dalka ka dhici doonta, kaasoo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.

Shirkan oo lagu waday in shalay lasoo gaba-gabeeyo ayaa la sheegay in sababta loosoo xiri waayay ay ahayd kala fikir duwanaasho nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka soo socda.

Waxaa sidoo kale shalay Muqdisho ka dhacay shirar gooni-gooni ah oo madaxda dowladda Somalia ay la yeesheen madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland si loogu qanciyo in doorashada soo socota lagu saleeyo qabiil oo baarlamaanka lagu soo xulo hanaanka 4.5-ka.

Maamullada Galmudug iyo Koonfur-galbeed Somalia ayaa horay u sheegay inay la tahay in sannadka soo socda wax lagu soo doorto nidaamka 4.5-ka ah, halka ay maamullada Jubbaland iyo Puntland ay iyaguna soo jeediyeen in hab deegaan wax lagu soo doorto, labadaan qodob la sheegay in la is-waafajin la’yahay.

Dhanka kale, Gaba-gabada shirkan maanta lasoo xirayo ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed dhameystiran oo ay dhinacyadu isku waafaqsan yihiin, kuwaasoo ku saleysan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka nagu soo foolka leh.

Wixii kasoo kordha shirkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Idale News Online  haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here